Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (2024)

Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jira tobanka faa'iido oo cabitaanka shaahu u leeyahay caafimaadka isla markaana laga yaabo inaadan ka warqabin. Shaahu waa mid ka mid ah cabitaannada loogu isticmaalka badan yahay caalamka, waxaana ay dadku ku raaxaysan jireen qarniyo badan.

21-ka May ayaa sidoo kale loo dabaaldegaa maalinta shaaha adduunka.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo shaaha ah sida madow, cagaar, caddaan iyo qaar kale. Mid kastaa wuxuu leeyahay dhadhan gaar ah iyo astaamo u gaar ah oo la xiriiriyo nooca caleenta shaaha iyo habayntiisa.

Waa maxay tobanka faa'iido ee shaaha?

Dejinta cadaadiska dhiigga

Cabitaanka shaaha waxa uu wanaajin karaa habka ay u shaqeeyaan xididaheenna dhiigga iyo in ay hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxa ay kordhinaysa helitaankawaxa loo yaqaanno nitric oxide, taas oo caawisa in ay dabcaan murqaha xididdada dhiiggeenna oo u ogolaata in dhiiggu si xor ah ugu dhex socdo jirka intiisa kale.

Yareynta khatraha wadne xanuunka

Cadaymaha ayaa muujinaya in isticmaalka joogtada ah ee shaaha ay hoos u dhigi karto khatarta wadne xanuunka taasina waxaa sabab u ah maadada polyphenol ee shaaha ku jirta.

Shaaha cagaaran wuxuu u muuqdaa inuu yahay kan ugu waxtarka badan marka ay arrintan noqoto.

Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Yareynta macaanka ma sonkorta

Sida laga soo xigtay cilmi-baarista, isticmaalka joogtada ah ee waxa loo yaqaanno polyphenols oo kamid ah geedaha lagu daro shaaha ayaa waxay noqon kartaa mid waxtar leh sida daawooyinka qaarkood si loo yareeyo khatarta sonkorowga. Laakiin cilmi baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay meeshan.

Hagaajinta xaaladaha caloosha

Noocyo badan oo polyphenols ah oo ku jira c*ntada, oo uu ku jiro shaaha, ayaa bixiya il muhiim ah oo loogu talagalay bakteeriyada mindhicirka oo ay faa'iido u leedahay, iyaga oo ka caawinaya inay koraan oo kala duwanaadaan oo ay hagaajiyaan shaqada mindhicirka waxayna nidaamiyaan habka difaaca.

Yareynta kansarka

Geedaha loo yaqaanno Polyphenols-ka laga helo shaaha ayaa laga yaabaa inay la shaqeeyaan arrimo kale si loo yareeyo koritaanka noocyada kansarka qaarkood. Si kastaba ha ahaatee, caddaynta la hayo waxay ku kooban tahay kansarka afka, laakiin waxaa jira calaamado muujinaya faa'iidooyinka noocyada kale ee kansarka sida beerka, naaska iyo kansarka mindhicirka.

Yareynta wel-welka iyo murugada

Si ka duwan kafeega, oo loo arko cabitaan xoog leh, shaaha guud ahaan waxaa loo yaqaan cabitaan nasasho leh. Inkasta oo labaduba ay ku jiraan caffeine, kaliya shaaha ayaa ka kooban waxyaabo ka dabacsan kafeega, kaas oo leh saameyn dejin sababtoo ah awoodda uu u leeyahay inuu kordhiyo hirarka maskaxda ee alfa.

Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Habeynta dareenka iyo feejignaanta

Cabitaannada ay ku jiraan kafeyn iyo maaddada loo yaqaanno L-theanine labadaba waxay saameyn weyn ku leeyihiin dareenka iyo feejignaanta.

Hal koob oo shaaha cagaaran ah ayaa bixiya 25 milligram oo L-theanine ah waxaana lala xiriiriyay ka hortagga xusuus luminta. Waxay naga caawinaysaa inaan ahaanno kuwo feejigan.

Kaliya maaha shaaha cagaaran inuu leeyahay faa'iidooyinkan, laakiin qiimeyn cusub oo lagu sameeyay saameynta cabitaanka shaaha madow ayaa sidoo kale lagu sheegay waxqabad degdeg ah oo xusuusta wanaagsan.

Yareynta lafo xanuunka

Waxaa jira caddaymo muujinaya in cabitaanka shaaha, gaar ahaan shaaha cagaaran, uu kaa caawin karo ka hortagga dhibaatooyinka lafaha iyo, beddelkeeda iyo yaraynta khatarta jabka.

Saamayn intee le'eg ayay ku keeni kartaa in shaaha lagu daro caano iyo sonkor?

Waxaa jira cadaymo is khilaafaya oo ku saabsan saamaynta caanaha lagu daro shaaha madow. Qaarkood waxay yiraahdaan waxay saameyn kartaa awoodda jirka si uu u nuugo polyphenols-ka faa'iidada leh oo si xun u saameeya faa'iidooyinka caafimaadka wadnaha ee shaaha.

Laakiin daraasadaha qaarkood, ku darista caanaha shaaha wax saameyn ah kuma laha faa'iidooyinkeeda. Intaa waxaa dheer, waxay u muuqataa in lagu daro waxyar oo caano ah iyo sonkor shaaha ay wax yar ka beddesho, laakiin ku darida xaddi badan oo caano ah ayaa bedeli kara xaaladda.

Sonkorta lagu daro cabitaannada kulul sida shaaha waxaa loo tixgaliyaa 'sonkor aan saameyn lahayn', sidaas darteed dhakhaatiirtu waxay ku talinayaan in la iska ilaaliyo wax badan. Sonkorta badan waxay sidoo kale saameyn kartaa nuugista polyphenols ee jirkeena.

Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Intee in le'eg oo shaah ah ayaa habboon in aad cabto maalintii?

Inkasta oo noocyada shaaha qaarkood ay ka faa'iidooyin badan yihiin kuwa kale, haddana caddayntu waxay tilmaamaysaa in shaaha si joogto ah loo cabbo uu faa'iidooyin badan leeyahay.

Celcelis ahaan, qofka aan dhibaato ku qabin caffeine-ka, saddex ilaa afar koob oo shaah madow ah maalintii ayaa laga yaabaa inay noqoto qadar macquul ah, laakiin qof jecel shaaha cagaaran wuxuu u baahan karaa inuu cabbo wax yar.

Haddii ay dhibaato kaa haysato kafeynka, waxaa lagula talinayaa in aad hoos u dhigto qadarka cabitaannada kafeynka, oo uu ku jiro shaaha.

Cabitaanka shaaha badan waxa ay khalkhal gelisaa hurdadaada waxaanay dadka qaar ku keentaa walaac.

Dadka kale ee ay tahay inay xaddidaan qaadashada waa haweenka uurka leh.

Isku soo wada duuboo, shaahu ma kuu fiican yahay?

Shaahu waxa uu leeyahay faa'iidooyin dawo oo badan. Waa cabbitaan dejinaya oo gacan ka geysta kordhinta feejignaanteenna iyo fir-fircoonideenna.

Toban faa'iido oo shaahu kuu leeyahay iyo xanuunnada khatarta ah ee uu kahor tago - BBC News Somali (2024)

References

Top Articles
Latest Posts
Article information

Author: Ouida Strosin DO

Last Updated:

Views: 5649

Rating: 4.6 / 5 (76 voted)

Reviews: 83% of readers found this page helpful

Author information

Name: Ouida Strosin DO

Birthday: 1995-04-27

Address: Suite 927 930 Kilback Radial, Candidaville, TN 87795

Phone: +8561498978366

Job: Legacy Manufacturing Specialist

Hobby: Singing, Mountain biking, Water sports, Water sports, Taxidermy, Polo, Pet

Introduction: My name is Ouida Strosin DO, I am a precious, combative, spotless, modern, spotless, beautiful, precious person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.